Ciidanka Dab-demiska Caasimada oo ka hawlgalay Guri iyo Meherad Dab Qabsaday Xaafadda Axmed Dhagax.

Hargeysa_ 10/11/2019_ Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta Galinkii dambe u baxay Hawlgal, kaasi oo ahaa Guri Jiingada oo iskugu jiray Meherad iyo Guri oo ku gubtay Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guulesytay daminta Dabkaas, iyadoo ay ka xakameeyeen dabkaas inuu ku fido agagaarka guryihii u dhawaa gurigaa gubanayay oo khatar badan ku jiray.

Sababta dabkan dhalisay ayaa ciidanku ku wareejiyeen Laamaha Ammaanka Degmada Axmed Dhagax si ay u hubiyaan sababta rasmiga ah ee dhalisay dabkaas una xaqiijiyaan.

Ma jiraan Khasaare Nafeed iyo mid dhaawac oo ka dhashay Dabkaas. Hawlgalkan waxaa sidoo kale ciidanka Dab-demiska kala qayb qaatay Ciidanka Booliska Degmada iyo Shirkadda Sompower.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska
Hargeysa/Somaliland
990 Gurmadka Degdega ah
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *