Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo Damiyay Dab Qabsaday Meherad ku taalla Xaafada Jig-jiga Yar ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo Damiyay Dab Qabsaday Meherad ku taalla Xaafada Jig-jiga Yar.

Hargeysa ( CDQ) 29/11/2019_ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay Dab qabsaday Meherad lagu iibiyo Roodhida iyo Macmacaanka oo ku taala Xaafada Jigjiga yare ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay dabkaa ka xakameeyaan kuna hakiyaan halkii uu ka bilaabmay oo ahayd goobta lagu kariyo cuntada.

Dabkan ayaan sababin khasaare dhimasho iyo dhaawac toona, waxaana ciidamada Dab-demisku badbaadiyeen hanti aad u badan oo dhex taallay meheradaas.

Hawlgalkan waxaa u soo gurmaday Ciidamada Dab-demiska ee Taliska guud iyo Saldhiga Ciidanka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Sababta dabkan gubtay ayaa ilaa hadda gacanta lagu hayaa, sidoo kale Maamulka Degmada ayaa iyaguna dhankooda  kala shaqeeyay ciidanka daminta dabkan.

Hargeysa/Somaliland

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska

Somalilandfire.com

Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *