Meherad Qalabka Gaadiidka lagu Iibiyo ( Spare Parts ) oo Subaxnimadii Hore ee Saaka Ku Gubtay Degmada Maxamuud Haybe.

Meherad Qalabka Gaadiidka lagu Iibiyo ( Spare Parts ) oo Subaxnimadii Hore ee Saaka Ku Gubtay Degmada Maxamuud Haybe.

Abaaro 4:16 am ee subaxnimadii hore saaka ayaa Meherad nooca Qalabka Gaadiidka lagu iibiyo gaar ahaan kuwa furfurka ah  ay ku gubatay agagaarka Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali ee Magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaa ka bilaabmay Jiingad ku taallay goobtaas, waxaana ciidamada Dab-demisku damiyeen Dabkaas kuna xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay iyadoo sidoo kale ciidamadu dabkaa ka hakiyeen inuu ku fido guryihii u dhawaa oo ay ku jireen Meherado, Dugsiga sare ee  Maxamuud Axmed Cali iyo Guryo.

Ma jirin khasaare nafeed iyo mid dhaawac toona oo dabkaasi sababay.

Sababta Dabkan dhalisay ayaa illaa hadda gacanta ay ku hayaan Laamaha Baadhista ee Ciidanka Booliska Degmada Maxamuud Haybe ee Magaalada Hargeysa.

Hawlgalkan waxaa u soo gurmaday Ciidanka Dab-demiska Taliska Dhexe Hargeysa, iyo Dab-demiska Maxamuud Haybe waxaa iyaguna gurmadka qayb ka ahaa Ciidanka Booliska, Maamulka Degmada ee Dawlada hoose iyo Shirkadda Korontada.

Maalintii shalay ahayd ayaa iyadana waxaa degmada Ibraahim Koodbuur dab ku qabsaday Meherad lagu iibiyo Roodhida iyo Macmacaanka, taasoo ciidamadu ka hawlgaleen daminta dabkaas.

Hargeysa/Somaliland

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990 Gurmadka Deg-dega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *