Dibudhiska iyo Nadiifinta Dhismaha Xarunta Ciidanka Dab-demiska Gobolka Togdheer oo Bilaabmantay.

Burco( 03/12/2019_ Waxaa si rasmiya loo bilaabay dibudhiska iyo nadiifinta dhismaha xarunta ciidanka Dab-demiska Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco.

Dibudhiska dhismaha iyo nadiifintiisa ayaa ciidanka Dab-demisku ku hawlanaayeen maalmihii u dambeeyay , waxaana hadda si rasmiya hawshaasi uga socotaa xarunta ciidanka.

Dawlada hoose ee Magaalada Burco ayaa qayb muhiima ka qaatay Dibuhabaynta iyo nadiifinta xarunta, haday noqoto qalabka gaadiidka cagafta iyo ka qayb qaadashada dhismaha xarunta gaar ahaan dayrka lagu wareejinayo dhismaha.

Xaruntan ayaa marka dhismaheeda la dhamaystiro waxtar badan iyo faa’ido badan ku soo kordhin doonta gobolka Togdheer iyo Magaalada Burco iyadoo magaaladu baahi weyn u qabto inay hesho Ciidan Dab-demis oo tayaysan Qalab ahaan iyo Ciidan ahaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990 Gurmadka Degdega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *