Hawlgalo Ciidanka Dab-demiska Hargeysa, Burco iyo Wajaale ugu Baxeen Guryo Gubtay.

Hargeysa- Ciidanka Dab-demiska Somaliland gaar ahaan Ciidamada Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Wajaale ayaa u baxay hawlgalo kuwaas oo ahaa guryo gubtay.

Ciidanka ayaa ku guuleystay dhamaan hawlgaladaas damintooda iyadoo ciidanku sidoo kale badbaadiyay guryo kale oo agdhawaa guryahaa gubtay.

Dabkan ayaan jirin dhimasho iyo dhaawac ay sababeen, sida xafiiska warbahinta uga xogwarameen Taliyaasha Togdheer iyo Wajaale.

Hawlgaladan waxaa iyaguna dhankooda kala qayb qaatay ciidamada Booliska oo sugayay dhanka ammaanka.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990 Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *