Xarunta Ciidanka Dab-demiska Togdheer oo si Rasmiya oo loo Bilaabay.

Xarunta Ciidanka Dab-demiska Gobolka Togdheer gaar ahaan Magaalada Burco oo si Rasmiya ah looga taagay Calanka Jamhuuriyada Somaliland iyo ka Ciidanka Dab-demiska, iyadoo maalmihii u dambeeyay xaruntaasi ay ka socotay nadiifin iyo dibudhis.

Xaruntan ayaa muddo si ku meel gaadha ugu sii shaqaynaysay xaruntan oo qabya ah, waxaana hadda lagu wadaa dibu habayn iyo dibudhis, iyadoo xaruntani muhiimad iyo faa’ido badan u yeelan doonto Gobolka Togdheer.

Dhismaha xaruntan waxaa kaalin weyn ka qaatay Laamaha kala duwan ee Gobolka Dawlada Dhexe iyo Dawlada Hoose ee Togdheer, sidoo kale Culimada, Ganacsatada, odayaasha iyo waxgaradka Magaalada.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *