Shirkii Sanadlaha ahaa ee Maamulka Ciidanka Dab-demiska oo ka dhacay Taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa- Shirkii Sanadlaha ahaa ee Maamulka Ciidanka Dab-demiska oo ka dhacay Taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa- Shir hal maalin qaatay oo Maamulka Ciidanka Dab-demiska JSL uga socday Taliska Dhexe ee Ciidanka Dab-demiska ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Hogaanka Sare ee Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Saareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Taliye xigeenka Cabdixamiid Faarax Iidle iyo Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Taliyayaasha Degmooyinka iyo dhamaan masuuliyiinta Ciidanka Dab-demiska Hogaankada, Hogaan xigeenadka iyo Madax qaybeedada kala duwan ayaa lagu falanqeeyay waxyaabihii u Qabsoomay Ciidanka Saddexdii Bilood ee ina soo dhaafay iyo guud ahaan sannadkii 2019 iyo Qorshayaasha soo socda ee sanadka 2020.

Masuul kasta ayaa halkaa ku soo bandhigay waxqabadii u qabsoomay sannadkaas iyadoo dhamaan masuuliyiintana halkaa lagu waydiiyay suaalo masuuliyada iyo shaqada qaranka u hayo, Iyagoo uga jawaabay suaalahaas si daahfuran.

Ugu dambayn wuxuu kulankaasi kusoo dhamaaday jawi deggen, iyadoo layskula qaatay Qorshayaasha cusub ee la hirgelin doono saddexda bilood ee u soo horeeya sannadka 2020 haduu eebe idmo.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska
Somalilandfire@gmail.cpm
Hargeysa/Somaliland
990 Lambarka Gurmadka Ciidanka Dab-demiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *