Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Xaafada Jigjiga yar ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Xaafada Jigjiga yar ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa_(CDQ) 05/01/2020_ Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maanta damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla Xaafada Jigjiga ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaa ciidamadu ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay, iyadoo dabku aanuu ku fidin guriga intiisa kale iyo guryihii kale ee ka agdhwaa.Ma jiro khasaare uu sababay dabkaas, waxaana ciidanku badbaadiyay badi gurigaa dabku qabsaday.

Sababta dabkan dhalisay waxaa baadhitaan ku samaynaya laamaha amaanka ee Degmada Ibraahim Koodbuur.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Hargeysa/Somaliland

Somalilandfire@gmail.com

990- Gurmadka Deg-dega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *