Dab Qabsaday Caawa Laba Guri oo Jiingada oo ku yaalla Xaafada Istaad Hawska ee Magaalada Hargeysa.

Dab Qabsaday Caawa Laba Guri oo Jiingada oo ku yaalla Xaafada Istaad Hawska ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa_(CDQ) 05/01/2020_ Dab weyn ayaa caawa qabsaday laba guri oo Jiingada oo ku yaalla Xaafada Istaad Hawska ee Magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaa sidoo kale ku fiday guryo kale, waxaana ciidanku dabkaas ka xakameeyay guryaas, maadaama oo xaafada Istaad Hawsku ay tahay guryo u badan Jiingado iyo Buulal kuwaasoo isku raran ah, isla markaana si fudud dabku iskaga gudbi karo.

Ciidanka ayaa dabkaas ka hakiyay inuu dabkaasi ku fido dhamaan guryaha intiisa kale. Dabkan ayaa sababin khasaare dhaawac iyo mid nafeed. Ciidanka Taliska dhexe ayaa dabkaas ka hawlgalay.

Hawlgalkan waxaa ciidanka dab-demiska kala qayb qaatay ciidamada ammaanka iyo maamulka Degmadaas

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *