Dab Qabsaday Laba Guri oo Buula oo ku yaalla Xaafada Daloodho ee 26 June Hargeysa.

Hargeysa_(CDQ) 09/01/2020_ Dab ayaa qabsaday laba guri oo Buula oo ku yaalla Xaafada Daloodho ee Magaalada Hargeysa.

Dabkan ayaa sidoo kale ku fiday guryo kale, waxaana ciidanku dabkaas ka xakameeyay guryahaas iyadoo sidoo kalena ciidanku badbaadiyay hanti guryahaa taallay.

Ciidanka ayaa dabkaas ka hakiyay inuu dabkaasi ku fido dhamaan guryaha intiisa kale. Dabkan ayaa sababin khasaare dhaawac iyo mid nafeed. Ciidanka Taliska dhexe ayaa dabkaas ka hawlgalay.

Hawlgalkan waxaa ciidanka dab-demiska kala qayb qaatay ciidamada ammaanka iyo maamulka Degmadaas

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *