Hawlgalo tiro badan oo maanta Ciidank Dab-demisku ka fuliyeen Hargeysa iyo Boorama.

Hargeysa- Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa maanta ka hawlgalay hawlgalo tiro badan kuwaasoo iskugu jiray guryo gubtay iyo badbaadin gaadiid.

Ciidanka Degmada Maxamuud haybe ayaa maanta damiyay dab qabsaday guri daara oo ku yaalla xaafada Cabdi Qallaaf, halka isla ciidankaasi ay maanta damiyeen dab qabsaday guri buula oo ku yaalla xaafada Maxamed Mooge.

Dhanka kale ciidanka Dab-demiska Boorama ayaa u gurmaday gaadhi xaafada Sheed dheer ee degmada Sheekh Makaahiil, halka ciidankaasi guri buula ay ugu gurmadeen Sheekh Cali Jawhar xaafada Seeybeeriya.

Guud ahaan hawlgaladaas ayaa ku soo dhamaaday guul iyadoo ciidanku damiyeen dabkaas dhamaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/Somaliland
990 Emergency Call
Info@somalilandfire.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *