Magaalada Berbera oo laga Daahfuray Lambarka Gurmadka Degdega ah ee Ciidanka Dab-demiska 990

Berbera- Agaasimaha fulinta ciidanka Dab-demiska Somaliland, Duqa degmada Berbera iyo xoghayaha dawlada hoose ayaa magaalada ka daahfuray kana hirgeliyay lambarka gurmadka degdega ah ee ciidanka Dab-demiska 990 ee magaalada Berbera.

Lambarkan ayaa hadda wixii ka dambeeya dadweynuhu kala xidhiidhi doonaan ciidanka Dab-demiska Berbera, halkaas oo ay ugu diyaar yihiin hawlwadeeno u diyaar ah ka jawaabida yeedhmada degdega ah.

Dhanka kale Agaasimaha fulinta ayaa kormeer ku tagey Dugsiga tababarka Degmada Sheekh, halkaas oo dhawaan loo soo xidhi doono dufcad cusub oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska oo halkaasi tababar uga socdo isla markaana qalinjabin doonta, sidoo kale waxaa ciidankaas loo qaybiyay dirays dhamaystiran.

Xafiiska Warbaahitna Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Emergency Call
Info@somalilanfire.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *