Wefti ay horkacayaan Badhasaabka M.Jeex iyo Mayorka Caasimada Hargeysa oo maanta kormeer ku tagey Kuuliyada Tababarka Ciidanka Dab-demiska Badar-wanaag ee Gobolka Maroodi-Jeex.

Wefti ay horkacayaan Badhasaabka M.Jeex iyo Mayorka Caasimada Hargeysa oo maanta kormeer ku tagey Kuuliyada Tababarka Ciidanka Dab-demiska Badar-wanaag ee Gobolka Maroodi-Jeex.

Hargeysa- CDDQ – 31.05.2020_ Wefti ay ka mid ahaayeen Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Jaamac X.Axmed, Mayorka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Xoghayaha Fulinta Dawlada hoose Hargeysa Axmed Juxxa ayaa maanta kormeer ku tagey Kulliyada tababarka ciidanka Dab-demiska ee tuulada Badar-wanaag.

created by dji camera

Ugu horayn waxaa waftigan soo dhaweeyay Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland Cabdiqaadir Cumar Xaashi waxaaanu halkaas waftiga uga warbixiyay qaybaha kala duwan ee kuliyada ciidanka iyo tababarada ciidanku qaataan.

Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco ayaa dhankiisa indhihiisa ku soo arkay waxqabadyadii uu ka sameeyay kuuliyada Tababarka ciidanka Dab-demiska Badar-wanaag, iyadoo mayorku kaalin laxaad weyn ka qaatay dhismaha kuuliyada.

Mayor Soltelco ayaa dhanka kale had iyo goor garab taagan horumarka iyo waxqabada kala duwan ee ciidanka, haday noqoto hawlaha maalinimo ee ciidanka iyo haday noqoto horumarinta siyaasadaha & qorshayaasha dhaw iyo kuwa fog ee ciidanka u yaala, waxaanuu markastaba hiil iyo hooba laga garab taaganyahay ciidanka. Waxaanay tani u noqon doontaa waxyaabaha lagu xusi doono duqa caasimada.

Dhankiisa Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa isaguna ballanqaaday inay wax badan ka geysan doonaan horumarka Kuuliyada tababarka ciidanka Dab-demiska Badar-wanaag.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990- Gurmadka Deg-dega ah
Info@somalilandfire.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *