Ciidanka Dab-demiska oo ka halwgalay Saddex Guri oo ku gubtay Hargeysa,Berbera iyo Boorama

Hargeysa- Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ayaa maanta ilaa caawa ka hawlgalay guryo gubtay, kuwaasoo ciidanku damiyay kuna kuu guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas.

Magaalada Boorama waxaa dab qabsaday guri Jiingada oo ku yaalla Xaafada Aaden Isaaq, waxaana ciidanka Dab-demiska Boorama ku guuleysteen dabkaas.

Dhanka kale ciidanka ayaa maanta ku guuleystay daminta dab qabsaday guri daara oo ku yaalla xaafada Burco Sheekh ee magaalada Barbera, iyadoo dabkaasna ciidanka Dab-demiska magaalada Berberi damiyeen iyagoo adeegsanaya xirfada la dagaalank dabka.

Magaalada Hargeysa goor dhawayd waxaa ciidanku damiyay dab qabsaday guri Daara oo ku yaalla xaafada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa, dabkaas oo ay u gurmadeen ciidanka Dab-demiska taliska guud iyo ciidanka degmada maxamuud Haybe kuna guulesyteen damintiisa.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *