Ciidanka Dab-demiska oo Neef Sac ah ka soo Samatabixiyay God Xaafada Beerta Sayidka.

Hargeysa – Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa maanta Sac ka soo samatabixiyay God uu ku dhacay xaafada Beerta Sayidka ee Degmada Gacan-Libaax.Ciidanka Dab-demiska oo adeegsanaya xirfada samatabixinta, isla markaana ku adeegsanaya qalabka samatabixinta iyo badbaadada ayaa ku guuleystay inay neefkaas ka soo samatabixiyaan godkaas isagoo nool.

Goobta ayaa ahayd goob aanay suuragal ahayn inuu maro gaadiidka samatabixinta, balse xubnaha naftood hurayaasha ciidanka Dab-demiska ayaa soo samatabixiyay neefkaas.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland inay daboolaan dhamaan godadka afkoodu banaanyahay, kuwaas oo halis galin kara dad iyo xoolaba.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL

Hargeysa/Somaliland

990 Emergency Call

Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *