Alle Ha U Naxariiste Afar Qof Ayaa Ku Geeriyooday Toban Kalena Way Ku Dhaawacmeen Dhisme Kuso Dumay Degmoda Wajaale.

#Wajaale 5 Safar 1442 – 23 Sep 2020 Alle ha u naxariiste Afar qof ayaa ku dhintay halka ay Toban kalena way ku dhaawacmeen dhisme kusoo dumay degmo ganacsiyeedka tog wajaale qeybta somaliland.


Ciidanka Dab-demiska Degmada Tog-wajaale ayaa ilaa galabnimadii maanta ku hawlanaa daad-guraynta dhaawaca iyo dhimashada.

Dhaawacyadii ayaa Shan ka mida oo dhaawacoodu cuslaa loo soo qaaday cisbitaalka Gabiley, halka Shantii kalena oo dhaawacoodu sahlanaa lagu dabiibayo cisbitaalka Wajaale.Waxaa iyagana wararku xaqiijinayaan in mulkiilihii dhismahaas uu ka mid yahay dadka ku nafwaayay goobtaas.

Maamulka Degmada, ka Gobolka Gabiley, laamaha Caafimaadka iyo ammaanka ayaa iyaguna dhankooda qayb ka ahaa hawlgalkan.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Koodbuur dhacdo sidanoo kale ah uu dhisme ugu soo dumay shaqaale ka shaqaynayay Masjid la shubayay.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990/ Emergency Call
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *