Shini Gadooday Oo Laba Qof ku Dhaawacday Goob Ganacsi Bariga Magaalada Hargeysa.

Hargeysa 4 Safar 1442 – 22 Sep 2020- Ciidanka ayaa goor dhawayd samatabixiyay Laba Qof oo ka mida shaqaalaha shirkadda Dharka ee Cagaweyne oo ku taalla bariga magaalada Hargeysa, kuwaasi oo Shinni gadooday ay dhaawacyo gaadhsiisay.

Ciidanka oo adeegsanaya xirfadooda ayaa Shinnidaas dejiyay, waxaana dhaawacii ay soo gaadhsiiyeen cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Shaqaalahan ayaa kala ahaa Darawal iyo xubin ka mida hawlwadeenada, waxaana soo gaadhay dhaawacyo fudud.

Ciidamada Dabdemiska degmada Axmed Macallin Haaruun oo kaashanaya waaxda caafimaadka Ciidanka Dab-demiska ayaa hawlgalkaa fuliyay.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *