Ururka Wadaag Oo Xubno Kamid ah Ciidanka Dab-Demiska U furay Tobabar Ku Saabsan Isgaadhsiinta.

#Hargeysa 5 Safar 1442 Р23 Sep 2020- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland sareeye guuto Axmed Sawaaxili ayaa maanta daah-furay tababar ku saabsan Isgaadhsiinta oo ay bixinayeen Wadaag Communications Consultancy kaa soo ka qabsoomay taliska guud ee Ciidanka Dab-demiska.

Tababarkan ayaa ku saabsanaa Farriinta sugan ( Message in Communications) waxaana bixinayay khubaro ka socday Wadaag Consultancy, iyadoo halkaasna xubnuhu fahan guud ka qaateen qaabka ugu habboon ee ciidanku xidhiidh wanaagsan ula samayn lahaayeen bulshada, iyo adeegsiga ugu habboon ee wada xidhiidh blusheed.

Tababarkan waxaa ka faaideystay 20 xubnood oo ka kala socday Waaxaha Isgaadhsiinta iyo Wacyigelinta bulshada.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *