Hargeysa: Ciidanka Dab-Demiska Oo Ku Guulaystay Deminta Dab Ku Fidaayey Guryo Kale.


Hargeysa – 24 Safar 1442 – 12 Sep 2020 – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla xaafada Siiney ee degmada Axmed dhagax.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guriga intiisa kale,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Hawlgalkaas waxaa fuliyey ciidanka taliska guud iyo Ciidanka xarunta Maxamuud Haybe.

Laamaha amaanka ee caasimada ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/ Somaliland
990Emergency
Call Info@Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *