Taliyaha Ciidanka Dab-demiska JSL oo kulan la qaatay Duqa Caasimada Hargeysa.


Hargeysa 27 Safar 1442- 15 Oct 2020_ Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa maanta kulan gaara la qaatay duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco.

Ujeedada kulankan ayaa daarannaa sidii loo dardargelin lahaa hawlaha shaqo ee ka dhaxeeya Ciidanka iyo Dawlada hoose Hargeysa, madaama oo dawlada hoose kaalin laxaad leh ka qaadato dhismaha iyo horumarinta Dab-demiska, taasoo horkacayo gadhwadeena ka yahay Mayor Soltelco.

Dawlada hoose ee Hargeysa ayaa aasaaskii ciidanka Dab-demiska ilaa maanta had iyo jeer hiil iyo hooba la garab taagan ciidamada Dab-demiska, waxaana Ciidanka ay ka kabaan baahiyaha guud iyo horumarinta Ciidanka Dab-demiska caasimada.

Labada masuul ayaa Isla qaatay in la sii xoojiyo fidinta Dab-demiska ee degmooyinka iyo xaafadaha caasimada, iyadoo hadda ay dhisanyihiin Affar Degmo, dhawaana la yagleeli doono xarumo cusub oo caasimada ah.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska ayaa u mahadnaqay Mayorka caasimada iyo golihiisa deegaanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taaganyihiin, islamarkaana u fuliyaan baahiyaha Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990 / Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *