Madaxa Warbaahinta CD C/wahaab Toox Oo garab Ka Helay Saxafi Khaalid Foodhaadhi Ayaa Ku Guuleystay In Page-ka Ciidanku Noqdo Mid Aqoonsi Dhamays Tiran Ka haysta Shirkada Facebook.


Mahadcelin: Shirkadda Facebook oo aqoonsatay bogga rasmiga ah ee CDQ.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu u mahadcelinayaa Shirkadda Facebook oo calaamadda Buluugga ah saartay page ka Ciidanka ” Facebook Verification Blue Tick” .

Waxaana si gaara ugu mahacelinaynaa Suxufi Khaalid Foodhaadhioo qayb laxaad leh ka qaatay suurtagelinta hawshan.

Dhammaan bulshada waxaan u sheegaynaa in ciwaankani yahay ka saxda ah ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland, isla markaana ka heli karaan dhacdooyinka maalinlaha ah, wacyigelinta iyo warbixinaha kala duwan ee ciidanku baahiyo.

Mahadnaqan ayaa ka yimi Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo guud ahaan ciidan weynaha Dab-demiska.

Allaa Mahad leh.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *