Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Taliska Guud Ee Ciidanka Ku Qaabilay Masuuliyiin Ka Socda Dalada Dhalinyaradda Somaliland Ee Sonyo.



Hargeysa Agaasimaha Dallada Sonyo Cabdixamiid Maxamed Cumar iyo Madaxa Mashaariicda Nimco Maxamed ayaa maanta booqasho ku yimi taliska Ciidanka Dab-demiska Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Ugu horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, waxaana Maamulka Ururka Sonyo ay halkaa kaga hadleen Wargeys ay soo saareen kaasoo tilmaamay kooxo dhalinyara oo ka socda dalladaas hawlqabadkii ay ka qabteen taliska.

Ugu dambayn Maamulka dalladaas ayaa Ciidanka iyo Taliyaha ku ammaanay shaqada quruxda badan ee ay u hayaan qaranka, waxaanay ku bogaadiyeen inay halkaa ka sii wadaan dadaalka. Dhanka kale Agaasimaha ayaa sheegay inay si dhaw ula shaqayn doonaan Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990 / Gurmadka Degdega

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *