Munaasibad Lagu Daah Furaayey Diwaan Gelinta Ciidanka Dab-Demiska Ee Habka Casriga Ah Biometric System Ayaa Ka qabsoontay Xarunta Ciidanka Dab-Demiska Burco Ee G/Togdheer.



Burco Diiwaangelinta Ciidanka Dab-demiska ee Bu’ada Indhaha iyo Faraha ( Biometric System) ayaa maanta si rasmiya looga daahfuray xarunta Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco.

Munaasibad ka qabsoontay xarunta Ciidanka Dab-demiska Burco oo ay ka soo qaybgaleen Badhasaab xigeenka gobolka, badhasaabkii hore Gobolka Hawd, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa lagu qabtay xarunta Ciidanka.

Ugu horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay waftiga cutub ka tirsan Ciidanka oo ay horkacayaan Taliyaha Gobolka Togdheer ee Ciidanka Dab-demiska iyo saraakiisha kale ee ku sugan halkaas.

Masuuliyiinta ayaa si isku mida u bogaadiyay hawshan, waxaanay tilmaameen inay tahay markii u horaysay ee laga sameeyo diiwaangelintan oo kale, taasoo Ciidanka Dab-demiska Somaliland noqonayo ciidamadii ugu horeeyay ee nidaamkan loo sameeyo.

Dhankooda masuuliyiinta Waaxda diiwaangelinta Ciidanka hirgeliyay, islamarkaana marwalbana la garab taagan hiil iyo hooba.

Ugu dambayn hawshaas waxaa maanta si rasmiya u daahfuray badhasaab xigeenka Gobolka Togdheer.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Burco/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *