Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Curashadda Sanadka Miilaadiga Awgeed Hambalyo Iyo Bogaadin U Diray Ciidanka Dab-Demiska Jsl Iyo Xaasaskooda.


Hambalyada Sannadka Cusub Ee 2021.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili waxa uu curashada Sannadka Cusub ee 2021-ka awgeed uu hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidanka Dab-demiska iyo xaasaskooda.

Taliyuhu waxa uu guud ahaan Ciidanka Dab-demiska Somalilad Alle uga baryayaa inay Sannadkan, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar.

Dhanka Kale Waxa Uu Taliyuhu Amaan Iyo Bogaadin u Soo Jeediyay Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sida ay Hadh Iyo Habeenba Heeganka Buuxa Ugu Yihiin Shaqada Qaranka Iyo Sidii Ay Shacbigooga uga badbaadin lahaayeen khataraha kala duwan.

Ugu dambayn Taliyuhu wuxuu bogaadiyay masuuliyiinta u saraysa xukuumada, haayadaha kala duwan ee xukuumada iyo guud ahaan shaqaale weynaha qaranka in Ilaahay inagu gaadhsiiyo Nabad iyo Barwaaqo.

Allaa Mahad leh.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990/ Emergency Services

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *