Diwaangelinta Ciidanka Dab-Demiska Ee Magaalada Berbera Oo Si Rasmi Ah U Bilaabantay.



Berbera Diiwaangelinta Ciidanka Dab-demiska ee Bu’ada Indhaha iyo Faraha ( Biometric System) ayaa maanta si rasmiya looga daahfuray xarunta Ciidanka Dab-demiska magaalada Berbera

Munaasibad ka qabsoontay xarunta Ciidanka Dab-demiska Berbera oo ay ka soo qaybgaleen Taliyayaasha Ciidanka iyo Maamulka Waaxda diiwaangelinta ayaa lagu qabtay xarunta Ciidanka.

Ugu horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay waftiga cutub ka tirsan Ciidanka oo ay horkacayaan Taliyaha Gobolka Saaxil ee Ciidanka Dab-demiska iyo saraakiisha kale ee ku sugan halkaas.

Masuuliyiinta ayaa si isku mida u bogaadiyay hawshan, waxaanay tilmaameen inay tahay markii u horaysay ee laga sameeyo diiwaangelintan oo kale Gobolka , taasoo Ciidanka Dab-demiska Somaliland noqonayo ciidamadii ugu horeeyay ee nidaamkan loo sameeyo.

Dhankooda masuuliyiinta Waaxda diiwaangelinta Ciidanka hirgeliyay, islamarkaana marwalbana la garab taagan hiil iyo hooba.

Ugu dambayn hawshaas waxaa maanta si rasmiya u daahfuray saraakiisha Ciidanka Dab-demiska Berbera iyo masuuliyiinta waaxda diiwaangelinta wasaarada arrimaha gudaha Somaliland.

Masuuliyiinta Waaxda diiwaangelinta ayaa muddadii hawshan Ciidanka Dab-demiska Somaliland ay kala shaqaynayeen muujiyay dedaal, karti iyo Hufnaan, waxaana Ciidanku uga mahadnaqayaa hawshaa culus ee ay tunka u riteen.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Burco/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *