Ciidanka Dab-Demiska Oo Tobabar Ka Hor Taga Dabka Ah Usoo Gabo Gabeeyey Ardayda Wax Ka Barata Dugsiga Taaj Ee Magaalada Hargeysa.



Hargeysa Waaxda Farsamada, tababarada bulshada iyo Wacyigelinta Ciidanka Dab-demiska oo uu horkacayo Hogaanka Waaxda,ayaa maanta tababar soconayay muddo laba cisho ah u soo gebagabeeyay ardayda dugsiga hoose dhexe ee Taaj Primary School magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa ardaydu ku barteen wixii ay samayn lahaayeen hadii ay dab la kulmaan, waxyaabaha ka mamnuuca ah, aqoon guud oo ku saabsan Dabka iyo khatartiisa iyo barashada qaabka ciidanku u shaqeeyo.

Ugu dambayna waxaa si toosa loo tusay xarunta Ciidanka Dab-demiska, Gaadiidka, Qolka Isgaadhsiinta oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta Waaxdaas, iyo qaybo ka mida qalabka Ciidanka Dab-demiska.

Gabegabdiina waxaa halkaa Mahadnaq uga jeediyay Ciidanka maamulka dugsigaas.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990/ Emergency Services

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *