Taliska Ciidanka Dab-Demiska Oo Hawl Gal Ugu Baxay Habeenimadii Xalay Degmadda Gacan Libaax.

Hargeysa – 9 Jan 2021 – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingada oo ku yaalla agagaarka Geerash Aw Aadan ee Degmada Gacan-libaax.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guriga intiisa kale,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.hawlgalkaas waxaa fuliyey ciidanka Dab-demiska ee taliska guud.Sababta dabkan dhalisay ayaa ahayd Girgire.

Ciidanka Booliska caasimada Hargeysa ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/ Somaliland
990Emergency
Call Info@Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *