Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Kormeer Ku Tagay Xarunta Guud Ee Shirkadda Somgas.


Hargeysa Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland iyo saraakiil uu horkacayo ayaa maanta kormeer ku sameeyay xarunta guud ee shirkadda Somgas ee bariga magaalada Hargeysa .

Kormeerkan ayaa ujeedadiisu ahayd in qiimeyn lagu sameeyo agabka dab la dagaalanka ee lagu rakibay iyo sidii loo casriyayn lahaa.

Masuuliyiinta shirkadda Somgas ayaa halkaas ku soo dhaweeyay Taliyaha, waxaana kulan gaara kadib soo indha indheeyeen qaybaha kala duwan ee xarunta.

Gunaanadkii waxaa si wada jira layskula qaatay in shaqaalahana loo sameeyo tababar ku saabsan isticmaalka habboon ee qalabkaas iyo Habka looga hortago loona damiyo dabka.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990 Gurmadka degdega ah
Info@somalilandfire.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *