Warbixinta Sanadlaha ah ee Hawlgaladda Ciidanka Dab-Demiska Sanadkii Hore Ee 2020 Iyo Tirada Bad-baadadda Nafeed.


Dhacdooyinkii iyo Hawlgaladii Sannadkii 2020 Ciidanka Dab-demiska Somaliland diiwaangeliyeen.

Hargeysa Warbixinta sannadkii 2020 ee ku saabsanaa hawlihii ay qabteen Ciidanka Dabdemiska Qaranka Somaliland ee gobolada oo dhan dabab iyo hawlo badbaado oo isugu jira Guryo Daara ah, Sandaqado, Bakhaaro,Dukaamo, Wershedo, KaalmoShidaal, Bacadleyaal,Badbaado Nafeed iyo Xooleed oo kala noocah,Gudaafado,Dhir kusoo dhaca guryo iyo hanti kala duwan Gobolada oo dhan:

Waana sida hoosta ku qoran:

  1. Sanadkii 2020 Waxaa la damiyey Dab dhan 1,010 Dab.

2 .Biyaha dababkas lagula dagaalamey 10,374 foosto oo biyo ah.

3 .Wakhtiga dababkas lagula dagaalamey 50,918 daqiiqadood = 849 saacadood.

  1. Qiimaha hantida la badbaadiyey 7,238,896$ US Dollar

5 .Tirada dadka la badbaadiyey 89 Qof.

6 .Tirada Neefafka la badbaadiyey 89 Neef Geel, Lo” Adhi, bisado iyo Ay.

  1. Tirada gadiidka la badbaadiyey 125 Gawaadhi.

Guud ahaan hawlgalada Ciidanka Dab-demiska Somaliland fuliyeen muddadii ay jireen ayaa noqonaysa 4,135 dab.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JS
Hargeysa/Somaliland
990/ Gurmadka Degdega ah
Info@somalilandfire.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *