Taliyaha CDQ Oo Tacsi U Diray Ciidan Weynaha Iyo Qoyskii Uu Ka Baxayba Saleebaan Jaamac Hagar Oo Burco Ku Geeriyooday.

Tacsi tiiraanyo leh.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, Saraakiisha Ciidanka iyo dhamaan Ciidan weynaha Dab-demiska Somaliland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii iyo ciidanka Dab-demiska Qaranka ee uu ka baxay Saleebaan Jaamac Xagar oo ka tirsanaa ciidanka Dab-demiska gobolka Togdheer kuna geeriyooday magaalada Burco.

Marxuumku wuxuu sifaysnaa cibaado, shaqo hufnaan, hawlkarnimo iyo daacadnimo uu qaranka ugu shaqaynayay.

Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo, janooyinkiisana haku casuumo, dhamaanteena Samir iyo iimaan Iimaan saadiqa Alle haynaga siiyo aamiin aamiin aamiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *