S/Guuto Sawaaxili Taliyaha CDQ Oo Tobabar Barashadda Iyo Ka Hortaga Masiibada Dabka Ah U Qabtay Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Booliska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta tababar ku saabsan Cilmiga Dabka u qabtay 52 Sarkaal oo ka tirsan kuuliyada tababarka Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd in kuuliyada Ciidanka Booliska laga hirgeliyo duruus ku saabsan aqoonta Dabka ( Basic Fire fighting) iyo in Ciidanka Boolisku ay aqoon u yeeshaan sida looga hortago Dabka iyo sida loo damiyo.

Taliyaha Kuuliyada tababarka, taliyaha qaybta Waxbarashada ee kuuliyada iyo saraakiil kale ayaa halkaa ka soo qayb galay waxaanay ka hadleen muhiimada aqoonta dabku ay leedahay, waxaanay tilmaameen inay muhiim tahay in Ciidanka Boolisku wax badan ka fahmo xirfadan.

Ugu dambayn Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay Ciidanka Booliska oo ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska oo ku ammaanay in Ciidanka xaga aqoonta ka dhiso, waxaanuu Taliyuhu sharax dheer ka bixiyay guud ahaan wuxuu dabku yahay,qaabka loo damiyo iyo aqoon guud oo ku saabsan Dabka.

Ugu dambayn tababarkan ayaa barbar socon doona tababarada kala duwan ee kuuliyadaas lagu qaato.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Somalilandfire@gmail.com
990 Gurmadka degdega
Hargeysa/ Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *