Maamulka Sare Ee Dugsiga Taaj Primary School Ayaa Shahaado Sharaf Ku Maamuusay CDQ Jsl.
Hargeysa Dugsiga Taaj Primary School ee magaalada Hargeysa ayaa shahaado sharaf ku maamuusay ciidanka Dab-demiska Somaliland, kadib tababaro ciidanku siiyay dugsigaas. sidoo kale waxaa maamulka dugsigu ciidanka abaalmarintan ugu gartay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan.
Shahaado sharaftan waxaa maamulka dugsigaas ka gudoomay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxil.
Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/Somaliland
990/Gurmadka Degdega ah