Diwaan Gelinta Ciidanka Dab-Demiska Gobollada Galbeedka Ee Habka Casriga Ah Ee (Biometric System-ka) Oo Maanta la Soo Gabo Gabeeyey.

Gabiley Diiwaangelinta Ciidanka Dab-demiska ee Bu’ada Indhaha iyo Faraha ( Biometric System) oo laga daahfuray gobolada galbeedka ayaa lagu soo gebagabeeyay ciidanka Dab-demiska Gabiley.

Munaasibadan waxaa ka soo qayb galay Xildhibaan Cabdi Xabeeb oo ka socday dawlada hoose Gabiley, masuuliyiinta Waaxda Diiwaangelinta iyo saraakiisha ciidanka.

Nidaamkan oo ay Iska kaashanayeen wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyo ciidanka Dab-demisku ayaa laga soo dhamaystiray gobolada galbeedka.

Ugu horayn masuuliyiinta ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa meeqaam sareku soo dhaweeyay weftiga ka socday wasaaradda, waxaana munaasibad bilan oo halkaas ka qabsoontay lagu diiwaangeliyay ciidanka.

Masuuliyiinta ciidanka ee halkaas ku sugnaa ayaa ka mahadnaqay shaqada qurux da badan ee ay qabteen kooxda ka socota Waaxda Diiwaangelinta wasaarada arrimaha gudaha ee uu horkacayo Agaasime Yaasiin Cismaan Diiriye, waxaanay ku bogaadiyeen dedaalka, hawlkarnimada iyo sida daacadnimada leh ee ay ugu adeegayaan qaranka.

Ugu dambayn munaasibadaas lagu daahfurayay Diiwaangelinta ciidanka Dabdemiska Gabiley ayaa la soo afmeeray.

Diiwaangelintan ayaa badi laga hirgeliyay gobolada Somaliland ee ciidanka Dabdemisku ka hawlgalo, waxaana dhawaan iyagana laga hirgelin doonaa magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Gabiley/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *