Ciidamadda Dab-Demiska Ee Magaalooyinka Hargeysa Iyo Burco Oo Ku Guuleystay Deminta Guryo Gubtay.

Ciidamada Dab-demiska Hargeysa iyo Burco oo ka Hawlgalay Guryo Gubtay.

Ciidamada Dab-demiska magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa maanta damiyay laba guri oo kala ahaa Daar iyo Jiingad.

Guriga Jiingada ah ayaa ku yaallay magaalada Hargeysa degmada Gacan-libaax gaar ahaan xaafada Daami, halka guriga kalena oo ahaa Daar ku yaallay degmada Maxamed Cali Xaafada Nafaqaqo ee magaalada Burco.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryaha kale ee Jaarka,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Ciidamada Booliska magaalooyinkaas ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/ Somaliland
990Emergency
Call Info@Somaliland


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *