Ciidanka Dab-Demiska Oo Demiyey Dab Qabsaday Guri Jiingad Ah.

Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay Laba Guri oo dab Qabsaday.

Hargeysa Ciidamada Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa damiyay laba guri oo kala ahaa Jiingad iyo Buul, kuna gubtay xaafadaha 150 ka iyo Killaka.

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guryaha kale ee Jaarka,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.

Ciidamada Booliska degmooyinkaas ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa ka qayb qaatay, waxaana had iyo goor Ciidanka Booliska JSL si dhakhso ah u yimaadaan goobaha hawlgalada dabku ay ka dhacaan.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/ Somaliland
990Emergency
Call Info@Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *