Ciidanka Dab-Demiska Oo Ka Hortag Ku Sameeyey Haanta Cuno Karinta Oo Khasaare Badan Geysan Lahayd.


Hargeysa Ciidanka Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa hawlgal ay ku baxeen xaafada New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax waxay ka hortageen khasaare ay geysan lahayd Haanta Gaasta ee cuntada lagu karsado oo khalkhal ku yimi inay ka badbaadiyeen in Dab ka dhasho.

Ciidamada oo adeegsanaya xirfada, aqoonta iyo duruus uu bixiyay Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili oo ku saabsanaa qaabka looga hortago inuu Dab ka dhasho amaba loo damiyo, ayaa ku guuleystay Inaan Haantaas Dab ka dhalan.

Ma jirin khasaare ay geysatay haantaasi, waxaana ciiidamadu ku wacyigeliyeen dadkii ku noolaa hoygaas qaabka ugu sahlan ee loo damiyo ama looga hortago in waxyeelo ka timaado.

Ugu dambayna waxay ciidanku ku wargeliyeen Inaan Haantaas dib loo adeegsan, ilaa inta lagu samaynayo dayactir.

Xafiiska warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *