Ciidanka Dab-Demiska Ee Burco Oo Gurmad U Fidiyey Mooto Bajaaj Uu Dab Qabsaday.


Burco Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa maanta damiyay Dab qabsaday Mooto Bajaaj xaafada Caqaayada ee degmada Sheekh Bashiir.

Ugu horayn ciidanka ayaa markii lagu soo wargeliyay, waxay uga hawlgaleen si degdega, Alle mahadiina waxaa ciidanku ku guuleystay inay damiyaan dabkaas.

Ma jirin dhimasho iyo dhaawac uu sababay dabkaasi, balse waxaa jiray khasaare hantiyeed oo soo gaadhay Mootadaas.

Ugu dambayn ciidanka ayaa soo gebagabeeyay hawlgalkaas.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
990/ Gurmadka degdega ah
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *