Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Oo Taliska Guud Ku Qaabiley Mayorka Magaaladda Laascaanood.


Hargeysa Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa kulan gaara la qaatay Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale.

Kulankan oo uu ku wehelinayay Hogaanka Hawlgelinta ciidanka Dabdemiska Cabdifataax Maxamed Xaashi ayaa lagaga wada hadlay dardargelinta iyo Horumarinta hawlaha ciidanka Dabdemiska magaalada Laascaanood, kuwaas oo muddadii ay joogeen waxbadan ka qabtay deegaankaas.

Dhanka kale masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay Diiwaangelinta ciidanka Dabdemiska Laascaanood oo dhawaan laga bilaabi doono magaalada in si wadajira ay uga wada shaqeeyaan labada dhinac.

Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Taarwale ayaa had iyo goor si dhaw ula shaqeeya ciidanka, isagoo markastaba hiil iyo hooba la garab taagan, sidoo kalena jecel horumarka Dabdemiska magaalada.

Mayorka ayaa muddadii uu joogay wuxuu si hagar la’aana iskaga xilsaaray kor u qaadidada ciidanka dhankastaba, waxaana la odhan karaa waa mid uu ku ammaanan yahay mayorku.

Ugu dambayn masuuliyiinta ayaa Isla qaatay in dhawaan Diiwaangelintaa ciidanka Dabdemiska ee bu’ada isha iyo faraha oo ay wadaan xafiiska Diiwaangelinta arrimaha gudaha oo dhawaan bilaabmaysa laga wada qayb qaato, sidoo kalena hore loogu sii socdo horumarka ciidanka.

Gebagabadii Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland wuxuu fariin u dirayaa qurbajoogta Gobolka Sool inay ka qayb qaatan horumarka ciidanka Dabdemiska magaalada Laascaanood oo intii ay hawlgalayeen bulshada magaalada u qabtay Shaqo lagu diirsaday.

Xafiiska Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990 / Gurmadka degdega ah
Somalilandfire@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *