Ciidanka Dab-Demiska Oo Kulan La Qaatay Dallada Dhalinyaradda Somaliland Ee Sonyo.

Hargeisa Somaliland Ciidanka Dab-demiska ayaa maanta kulan la qaatay maamulka dallada ururka dhalinyarada Somaliland ee Sonyo iyo xubno ka mida guddiyada xaafadaha caasimada Hargeysa.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd iskaashiga bulshada iyo ciidanka Dab-demiska, sidoo kalena kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshada.

Ugu horayn waxaa halkaa faahfaahino ku saabsan adeega ciidanku bulshada siiyo saraakiisha ciidanka ee ka qayb galay kulankaas oo kala ahaa hogaanka Hawlgelinta ciidanka Dab-demiska Cabdifataax Maxamed Xaashi iyo Madaxa warbaahinta Cabdiwahaab Cismaan Toox, waxaana ay ka warameen adeegyada ciidanka iyo qaabka ciidanku bulshada ula shaqeeyo.

Dhankooda ka soo qayb galayaashii labada dhinac ee kulankaas ka soo qayb galay ayaa si isku mida uga marag kacay shaqada culus ee ciidanku hayo, waxaanay ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan ciidamada.

Ugu dambayn waxaa kulankaas laysla qaatay in si wadajira looga qayb qaato wacyigelinta bulshada, sidoo kalena ciidanka Dab-demisku xoojiyo adeega Dabdemiska.

Xafiiska warbaahinta CDQ
Somalilandfire@gmail.com
990/ Gurmadka degdega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *