Naftood Hureyaasha CD Ee Hargeysa Oo Gurmad U Fidiyey Gaadhi Sida Rakaab Iyo Adhi Tiro Badan Oo Ku Qalibmay Koonfurta Hargeysa.

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo ka hawlgalay Gaadhi Xoolo siday oo Ku Qallibmay Degmada Maxamuud Haybe.Hargeisa – 25 feb 2021- Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta abaaro 8:00 am subaxnimo ee maanta loogu yeedhay hawlgal noociisu ahaa Gaadhi xamuula oo siday Xoolo kuna qallibmay degmada Maxamuud Haybe.

Gaadhigan oo noocisu ahaa Shaamboo ayaa siday Xoolo tiradoodu dhantahay170 neef waxaana halkaa ku naf waayay 25 neef, halka tirada la badbaadiyay ay tahay 141 neef iyo 4 neef oo la qalay.

Ciidanka Dab-Demisku Iyagoo adeegsanaya Xirfadaha gaarka ah ee samato bixinta iyo Gaadiidka Wiishka waxay soo daad-gureeyeen Xoolihii,sidoo kalena goobtiina waxay ka toosiyeen gaadhiga oo ahayd wadadda badhtankeeda.

Dhanka kalena waxaa ciidanku Gaadhigaas ka soo samatabixiyay Lix Qof oo ku dhaawacmay gaadhiga, kuwaasi oo dhaawacyo fudud soo gaadhay, waxaana dhaawacyadaa ka mid ahayd Hooyo qiyaas ahaan da’adeedu ahayd 60 jir.

Ciidamada Booliska iyo Taraafikada ayaa dhinacooda iyaguna Hawlgalkaas qeyb laxaad leh ka qaatey, waana ciidamo ku amaanan shaqadooda, had iyo goorna ciidanka Dab-demiska kala hawlgala dhamaan goobaha kala duwan ee hawlgalada iyo badbaadada.

NB. Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo, deg-deg ula soo xidhiidh lambarka Gurmadka ee Ciidanka Dab-damiska 990 iyadoo had iyo goor heegan laguguu yahay 24 Saacadoodba.

Xafiiska warbaahinta CDQ
Hargaisa/Somaliland
Somalilandfire@gmail.com
990/Gurmadka Degdega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *