Taliska Guud Ee Ciidanka Dab-Demiska Sl Oo Ku Guuleystay Deminta Dab Qabsaday Guri Daar Ah Oo Ku Yaala Magaaladda Hargeysa.


Hargeysa – 27 Feb 2021 – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ka kooban Saddex Qol kaas oo ku yaalla Xaafada Sheikh Madar ee Degmada Gacan Libaax

Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey guriga intiisa kale eebe mahadii Ciidanku iyagoo aad uga taxadiraya halista iyo fiditaanka dabkaas

waxay ku dedaaleen in aanu dabku dhaafin isla qolkii uu ka bilaabmay oo ahaa qolka hurdada, sidaasna way kaga bad baadiyeen qolalkii kale iyo dhamaan guryihii la jaarka ahaa.

Ma Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.waxaa hawlgalkaas fuliyey ciidanka Naftood hureyaasha ah ee ku sugan taliska guud ee Ciidanka, iyadoo lagu baxay laba Gaadhi oo Dab-demis ah iyo booyada xoojinta kaydka biyaha.

Ciidamada Booliska ee caasimada ayaa iyaguna dhankooda hawlgalkaa maanta kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska
Hargeysa/ Somaliland
990Emergency
Call Info@Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *