Ciidanka Dab-Demiska Caasimadda Oo Samato Bixin U Sameeyey Neef Waxar Ah.

Hargeysa _ Ciidanka Dab-demiska Maxamuud Haybe ayaa maanta Neef Xoolo ah ka soo badbaadiyay Bullaacad xaafada Cabaaye ee magaalada Hargeysa.

Ciidanka ayaa ku guuleystay samatabixinta neefkaas, waxaana ciidamadu godka ka soo saareen iyadoo nool.

Sida dadweynaha goobtaas ku sugnaa ciidanka u xaqiijiyeen neefkani wuxuu godka ku jiray ilaa maalinimadii shalay, balse waxaa ciidanka lagu soo wargeliyay maanta.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu halkan markastaba fariin uga dirayaa dadweynaha ku nool caasimada iyo guud ahaan Somaliland inay ka waantoobaan godadka, bullaacadaha ama Musqulaha had iyo goor laga tago iyagoo afbanaan, waxaanay taasi keeni kartaa halis nafeed, iyadoo ay muddo badana soo noq noqdeen falalka noocan oo kale ah.

Ugu dambayna waxaa ciidanka Dab-demisku ku wargelinayaa bulshada in cidii u hogaansami wayda awaamirtaas laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.


Info@somalilandfire.com
990 Gurmadka degdega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *