Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Taliska Guud Ku Qaabiley Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Hargeysa Taliyaha Ciidamada Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa maanta kulan gaara ku wada qaatay taliska guud ee ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka ka hortaga khataraha dabka iyo sidii ciidanku wasaarada uga caawin lahaa nidaamkaas loona samayn lahaa hagayaal ( Fire Safety Guidelines)

Ugu horayna waxaa halkaas ka hadlay Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Mudane Siciid Sulub waxaanu Taliyaha ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee u qaranka u hayo taasi oo ay ku dheehantahay dedaal, daacadnimo, wadashaqayn iyo hufnaan, sidoo kale wuxuu bogaadiyay guud ahaan ciidamada Dab-demiska Somaliland.

Sidoo kale wuxuu wasiirku tilmaamay inay Muhiim tahay in haayadaha iyo wasaaradaha kala duwan ee dalka ay Muhiim tahay inay bartaan qaabka looga hortago dabka.

Dhankiisa taliyaha ciidanka Dab-demiska Sareeye guuto Sawaaxili ayaa u mahadnaqay Wasiirka waxaanu taliyuhu tilmaamay inay Muhiim qaranka iyo guud ahaan shaqaalaha qarankaba in qof kastaaba ku tababarnaado sida dabka looga hortago loona damiyo, waxaanu taliyuhu sheegay in muddadii ciidanku jiray ay tababar siiyeen haayado, wasaarado iyo ciidamada qarankaba.

Ugu dambayn labada masuul ayaa isla qaatay in horumarka qaranka Somaliland iyadoo gacmaha lays haysto si wada jira layskaga kaashado.


Info@somalilandfire.com
Hargeysa/Somaliland
990/Gurmadka Degdega ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *