Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Jsl Oo Hambalyo Iyo Duco U Diray Maayorka Cusub Ee Hargeysa Iyo Mudaneyaasha Deeganka Ee Caasimadda.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa Hambalyo iyo duco u diray Golaha deegaanka caasimada Hargeysa cusub oo ay ugu horeeyaan Mayorka Cabdikariin Axmed Mooge iyo Mayor xigeenka Khadar Axmed Cumar Nuur iyo dhamaan mudanayaasha golaha deegaanka Hargeysa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumada jsl doorashooyiinkii taariikhiga ahaa ee ka qabsoomay dalka, taasoo madaxweynuhu ku ammaanan yahay qabsoomida doorashooyinkaas.

Ugu dambayn taliyuhu wuxuu duco u diray mayorka, ku xigeenkiisa iyo guud ahaan mudanayaasha golaha deegaanka caasimada Hargeysa in ilaahay xilkaa iyo masuuliyadaas ku asturo. Sidoo kale wuxuu iyagana duco u diray dhamaan degmooyinka kale ee loo doortay mudanayaasha golayaasha deegaanka iyo mayoradooda.

Warbaahinta CDQ
Hargeysa/ Somaliland
990 Emergency Services

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *