Dab Qabsaday Maanta Laba Guri oo Daara kuna yaalla Degmada Gacan-Libaax ee Magaalada Hargeysa.

Dab Qabsaday Maanta Laba Guri oo Daara kuna yaalla Degmada Gacan-Libaax ee Magaalada Hargeysa.

Hargeysa_(CDQ) 07/01/2020_ Dab weyn ayaa maanta galinkii dambe qabsaday laba guri oo daara oo ku yaalla Xaafada Daami ee Degmada Gacan-libaax.

Dabkan ayaa sidoo kale ku fiday guryo kale, waxaana ciidanku dabkaas ka xakameeyay guryahaas. sababta dabkan dhalisay ayaa waxaa hadda gacanta ku haya laamaha amaanka ee degmada.

Ciidanka ayaa dabkaas ka hakiyay inuu ku fido dhamaan guryaha intiisa kale. Dabkan ayaa sababin khasaare dhaawac iyo mid nafeed. Ciidamada Dab-demiska Taliska dhexe, Macallin Haaruun iyo Maxamuud haybe ayaa ka hawlgalay Daminta dabkan.

Hawlgalkan waxaa ciidanka dab-demiska kala qayb qaatay ciidamada ammaanka iyo maamulka Degmadaas

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Somaliland
Hargeysa/Somaliland
Somalilandfire@gmail.com
990 Emergency Call