Saddex Guri oo Dab Qabsaday Xaafada Istaad Hawska ee Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Caawa damiyay dab qabsaday Saddex Guri oo iskugu jiray Buul iyo Jiingad kuna yaalla Xaafada Istaad Hawska ee Hargeysa.

Dabkan ayaan sababin dhaawac iyo dhimasho, waxaana lagu xakameeyay guryahaa dabku ka bilaabmay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa Gacanta ku haya Ciidamada Booliska.

Dhanka kale Ciidanka Dabdemiska ayaa maanta u baxay hawlgal ciidanku ku bannaynayay geed weyn oo xannibay waddo ku taalla Xaafada jigjiga yar.

Warbaahinta Ciidanka Dabdemiska JSL Hargeysa/Somaliland
990Emergency Call
Somalilandfire@gmail.com